WARARKA SOOMAALI

Ciidanka DANAB oo weerar Culus ku qaaday goob ay ku sugnaayeen AS

Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Maanta ka socda degaanka Jeex jeex oo hoos-taga Magaalada Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka danbeeyay, kadib markii ciidanka kumaandooska DANAB ay weerar ku qaadeen goobo ay isku aruursanayeen dagaalyanada Al-Shabaab, isla markaana waxaa weerarka kadib bilowday dagaalka oo weli ah mid deegaanka ka socda.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in Ciidanka ay Guul weyn ka gaareen Dagaalka maanta, Al-Shabaabna laga saaray goobtii dagaalku ka dhacay haatana, ay sii socon doonaan howlgalada.

Lama oga weli khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray dagaalka.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa maalmahanba ku sii siqayey degaanka Caad oo ka mid ah meelo fara ku tiris ah oo Al shabaab ay ka joogaan Gobolka Mudug.

Ciidanka DANAB oo weerar Culus ku qaaday goob ay ku sugnaayeen AS
To Top