WARARKA SOOMAALI

Isimada Dhaqanka SSC oo ku dhawaaqay in aysan ka qeyb galeyn Doorashada Puntland

Isimada dhaqanka SSC-khaatumo oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa Go’aan kasoo saaray kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ee deegaannada SSC-khaatumo.

Isimada dhaqanka ayaa ku dhawaaqay in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn arrimaha doorashada dowlad Goboleedka Puntland ee 2024, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka isimada dhaqanka SSC garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed.

Wuxuu Garaadka tilmaamay in odayaasha dhaqanka aysan xuli doonin 17-kii xildhibaan ee Baarlamanka Puntland laga soo dooran jiray degaannada Maamulka SSC, wuxuuna intaas kusii daray in aysan sii joogi karin 17-ka xildhibaan ee ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Golaha isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale go’aamiyay in aysan cid ka soo jeeda degaankooda u tartami karin doorashada soo socota ee 2024 madaxweyne ku xigeenka Puntland. Isimada ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha ka tirsan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ee ka soo jeeda SSC in ay xilka iska casilaan.

Go’aanka ay ku dhawaaqeen Isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa kusoo beegmay, iyada oo Dowlad Goboleedka Puntland ay ka socdaan ololaha diyaar garoowa doorashada ka dhaceysa maamulkaasi bisha soo socota.

Isimada Dhaqanka SSC oo ku dhawaaqay in aysan ka qeyb galeyn Doorashada Puntland
To Top