WARARKA SOOMAALI

Tahriibayaal farabadan oo ku le’day Jesiirada Lampedusa

41 qof ayaa geeriyootay, 4 kalena wey badbaadeen, kadib, markii Doonidii ay la socdeen ku degtay meel ka baxsan Jesiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Afarta qof ee ka badbaaday Shilkaasi ayaa sheegay inay Doonida la socdeen 45 qof, oo 41 ka mid ah ay geeriyoodeen, kuwaasi oo 3 ka mid ah carruur ahaayeen.

Markab Xamuul oo marayey Gacan-biyoodka Jesiirada Sicily ayaa soo badbaadiyey Afarta qof, kuwaasi oo loo sii gudbiyey Lampedusa.

Wakaallada Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa sheegtay in Doonida qalibantay ay ka soo shiraacatay Xeebaha magaalladda Sfax ee dalka Tunisia oo 130 KM u  jirta Jesiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Dhanka kale, Afhayeenada Ururka Bisha Cas ee Talyaaniga,  Alessandra Filograno ayaa xaqiijisay in Afarta qof ee badbaaday ay saakayto oo Arbaco ah soo gaareen Xarunta Qaabilaada Qaxootiga ee Jesiirada Lampedusa.

Waxay kaloo xustay in dadka la badbaadiyey oo u dhashay dalalka Ivory coast iyo Gini ay kala ahaa 2 Nin, Haweeney iyo qof yar oo aan weli qaan-gaarin.

Tahriibayaal farabadan oo ku le’day Jesiirada Lampedusa
To Top