WARARKA SOOMAALI

Jabhada hubeysan oo xasuuq u geysatay Ciidamada Maamulka Somaliland

Taliska Booliska Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo shalay dhexmaray jabhada hubeysan ee kasoo horjeeda Xukuumadda Muuse Biixi iyo ciidanka Booliska Maamulka, dagaalkaas ayaa ka dhacay deegaanka loo yaqaan Go’da oo ka tirsan Gobolka Saaxil.

Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Go’da uu dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidankooda, dagaalka ayaana yimid kadib weerar gaadmo ah oo lagu qaaday Booliska.

Waxa uu xaqiijiyay Taliye Maxamed Aadan in ciidanmada Booliska Somaliland dagaalka looga dilay 9 askari, isla markaana laga dhaawaacay 17 kale oo ka mid ah ciidamada  , kuwaasi oo dagaal la galay jabhada hubeysan ee buurta gacan Libaax ku sugan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay in markii hore aysan amar ku qabin in ay weeraran ciidamada buurta galay ee diidan taliska Muuse Biixi, balse hadda wixii ka danbeeya dagaal toos ah lagu qaadi doono oo ciidamadu qabaan amar buuxa.

Jabhadda hubeysan ee ku sugan buurta Gacan Libaax saldhigga ka dhigatey ayaa diidan muddo kororsiga madaxweyne Muuse Biixi Cabdi loo sameeyey iyo qabasho la’aanta doorashada.

Jabhada hubeysan oo xasuuq u geysatay Ciidamada Maamulka Somaliland
To Top