WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Maxkamadda G/Banaadir oo xukuntay Nin ku shaqeysan jiray anshax xumo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin la sheegay in uu ku shaqeeysanayay Sixir iyo Turufo, isla markaana dumar badan uu Kufsi kula kacay isagoo Muuqaalo Anshax xumo ah ka duubay.

Ninkaan oo lagu magacaabo Abuukar Maxamed Xasan Shooble ayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya soo qabteen kadib markii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir kusoo dacweeyeen qaar kamid ah dadka dhibanayaasha ee uu dhibaateeyay.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa sheegay in billaawgii sanadkaan baaris uu sameeyay lagu ogaaday falal faaxisho ah oo uu sameeyay Abuukar Maxamed Xasan Shooble oo ay dhibanayaal u yihiin Haween badan oo uu kula kacay kufsi iyo in uu muuqaalo ka duubay, isaga oo adeegsanaya taleefoono casri ah.

Haweenka qaarkood ayaa maxkamadu sheegtay in uu ka helay lambaradooda Baraha Bulshada halka qaarkood uu la raacay Gawaarida dadweynaha ee Bi’eelka loo yaqaano.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: Maxkamadda G/Banaadir oo xukuntay Nin ku shaqeysan jiray anshax xumo
To Top