WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dad shacab ah oo Maanta lagu xasuuqay Sh/Hoose

Warar dheeraaad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Khasaare badan gaystay oo goordhaweyd qabsaday gaari ay saarnaayeen Dad shacab ah, kaasi oo ku safrayay sida la sheegay Gobolka Shabeellaha hoose.

Wararkii ugu dambeeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in kabadan 15 Qof ayaa ku Geeriyootay Qaraxaasi oo ahaa sida ka sheegay Miino lagu aasay wadada gaarigaasi ku safrayay.

Sidoo kale warar ayaa intaasi ku daraya in ku dhawaad 4 qof oo Kalena dhaawacyo Culus ayaa soo gaareen Qaraxaasi Miino, waxaana Gaariga qarxiyayay uuu ahaa B-L, kaasi oo saakay ka baxay Magaalada Marka kunasii jeeday degmada Qoryooley.

Qaraxa ayaa ka dhacay wadda u dhexeysa Shalanbood iyo Danow gaar ahaan agagaarka Beeraha Abiikarow, waxaa geeriyoodey inta badan dadkii saarnaa gaariga qaraxu qabsadey, iyadoo laga dayrinayo caaladda dadkii ku dhaawacmay.

Meydadka iyo dhaawacyada ayaa hadda geeyay deegaanka Shalanbood. Ma’ahan markii ugu horeeysay oo qarax sidaan oo kale dad shacab ah lagula beegsado Shabeellaha Hoose oo ah Gobolka ugu amniga xun Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay Dad shacab ah oo Maanta lagu xasuuqay Sh/Hoose
To Top