WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Xarunta dhaqanka Hargeysa oo bilowday arrin ka baxsan dhaqanka iyo Diinta islaamka-Sawiro

Hargeysa (HM)-Soomaliland Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ayaa casuuntay nin u ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah:

Xarunta ayaa sannadkan ku casuuntay magaalada Hargeysa Donald Molosi oo ah qoraa reer Botswana ah u na ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah.

Xarunta ayaa xalay lagu soo bandhigay film uu sameeyay Donald Molosi oo la yidhaahdo “We are all blue”.

Mr. Molosi ayaa ka mid ahaa martida Bandhiggii Carwada Buuggaagta ee Hargeysa.

Xarunta ayaa horey u casuuntay gabadh iyaduna u dhalatay dalka Ingiriiska oo sidan oo kale u ololeysa guurka dadka isku jinsiga ah.
Halkan hoose ka eeg qoraallo uu soo dhigay bartiisa Twitterka Donald Molosi.

SOMALI NEWS

To Top