WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Kenya oo ku ceebowday qaraar ay la maaganeyd Soomaaliya iyo xog ku saabsan qaraarka-Video

Muqdisho (HM) – Tan iyo markii shalay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in kooxda Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah ayaa waxaa jira su’aalo badan oo la iska weydiinayo sababta dowladda federaalka ah u diideyso in Al-Shabaab lagu daro liiska argigixisada caalamiga ah.

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah, oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dooday sida go’aan noocaas ah uu u saameyn karo Soomaaliya waxaana u soo baxday in laga hortago in Al-Shabaab lagu daro liiska argigixisada caalamiga ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Maxamed Cusmaan oo arrintan fasiray ayaa sheegaya in qaraarkan ay Kenya soo-jeedisay uu leeyahay ujeedooyin kale oo ka baxsan la-dagaalanka Al-Shabaab.

Abuukar waxaa uu intaasi ku daray in qaraarka 1267 uu saameyn ku yeelan doono arrimaha banii’aadnimada, gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan Al-Shabaab.

HALKAN KA DAAWO XOGTA

Waxaa kale oo la sheegayaa in haddii Al-Shabaab lagu dari lahaa liiska argigixisada caalamiga ay sidoo kale ka saameyn laheyd Soomaaliya arrimaha siyaasadda, horumarinta iyo ammaanka.

“Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha. Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267.

“Qaraarka haatan la diiday oo ay dawlado kale dano gaar ah ku wateen, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Soomaaliya uu caalamku ku taageero kuwaasoo lagu bixiyo dhinacyada horumarinta, ammaanka iyo gargaarka ayaa wuxuu mudanyahay bogaadin”.Ayuu raaciyay Mudane Cabdi-nuur.

Agaasimaha ayaa sheegay in ammaan iyo bogaadin mudanyahay Danjiraha dalkeenna u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa dadaalka ay ku bixiyeen hawshan.

Qaraarkan ay Kenya wadato, waxaa la gudbiyey todobaadkii hore, waxaa kale oo dalabka ku jira in marka Al-Shabaab lagu daro liiska argigixisada kadib ay dunida  qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

SOMALI NEWS

To Top