Hargeisa ( HM) Maamulka Taiwan ayaa maanta si rasmi ah uga furtay magaalada Hargeisa xafiiskeedii diblomaasiyaddeed ee Somaliland.
Munaasibad lagu furayo xafiiska oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qaybgalay Mas’uuliyiin ka socda xukuumadda Somaliland, Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Jesoph Wu ayaa khadka internetka kaga soo qaybgali doona munaasibadda.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dawladda Shiinaha ayaa dhowaan siwayn uga Cadhootay Xidhiidhka ay Somaliland la yeelatay Taiwan, waxaana Hargeisa soo gaadhay Wafdi ka socday Dawladda Shiinaha kuwaasi oo kulan la yeeshay Madaxda ugu saraysa Somaliland.
Waxaa la aaminsan yahay inuu Qorshahoodu ahaa sidii loo Xagal daacin lahaa xidhiidhkaasi Cusub, Balse hada waxaa muuqata inaan Somaliland dheg Jalaq u siin Dhambaalkii ay Wafdiga Shiinuhu wadeen.
Horufadhi News