Hargeysa (HM)-Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in dalal kale ay ku biireen wadahadal siinta madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana muuqata in isbadal uu ku yimid wadahadalka labada dhinac.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale shaaciyay in Dowladda Turkey ay u gudbiyeen qoraal ay ku cadeynayaan inaysan dhexdhexaad ka aheyn wadahadalka labada dhinac.
Wuxuu sheegay in Turkey uu taageero dowladda Soomaaliya, sidaasi daraadeedna ay ku diideen inuu kaligii wadahadalsiiyo dowladda Soomaaliya iyo maamulka uu madaxweynaha ka yahay ee Somaliland.
Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Turkey uu kasoo jawaabay warbixin ay u direen oo aheyd in dowlado kale lagu soo daro wadahadalka.
Muuse Biixi ayaa sheegay in Turkiga uu arrintaas ka aqbalay islamarkaana ay wadahadalka ku soo biirayaan dalalka Mareykanka,UK iyo kuwo ka mid ah Jaamacadda Carabta.
Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu tagay magaalada Addis Ababa halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda Ethiopia, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in arintaasi ay taageersan yihiin qaar kamid ah dalalka reer Galbeedka oo dagaal kula jira Turkey.
Bisha soo socota ee April ayaa la filayaa inay dib u bilowdaan wadahadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo hakad ku jiray labadii sano ee lasoo dhaafay.