WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Sarkaal Dhagax lagu dilay Gobalka Togdheer..

Laascaanood (HM)-Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu diley deegaanka Fiqi Ayuub ee Waqooyiga magaalada Burco xarunta gobolka Togdheer.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sarkaalkan la diley oo lagu magacaabi jirey Keyse Maxamed Cawaale lagu dilay dhagax halka labo sskari oo kalena la dhaawacay.

Illaa hadda lama garanayo ciddii ka dambeysay dilka sarkaalkan balse deegaanka lagu diley ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin shirkado macdan ka baara deegaanadaas.

Maamulka Gobolka Togdheer iyo weliba maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin dilka sarkaalka Booliska ah iyo dhaawaca labada kale.

SOMALI NEWS

To Top