WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Khayre oo abaalmirin u balan qaaday Askartii qabtay Nin Qarax waday-Video

Mogadishu (HM)-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa  ballanqaad u sameeyay askarti ka hortagtay  qaraxii ka dhacay Barta Koontarool ee laga galo Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay booqday goobihii ay ka dhaceen qaraxyada ayaa sheegay in askarta ku guuleystay in ay qabtaan ninkii la socday gaarigii shalay ku qarxay meel ku dhow isgoyska Lambar 4 uu abaalgud siinayo.

Ra’isalwasaaraha oo booqday labadii goob ee shalay  qaraxyadu ka dhaceen ayaa la kulmay taliyayaasha baraha koontaroollada ee Magaalada Muqdisho waxaana uu wax ka weydiiyay qaabka ay u sugaan ammaanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Weerarkii shalay ayaa ugu yaraan waxaa ku dhintay 10 qof waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 25 qof oo kale kuwaas oo isugu jiray dad rayid ah iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mid ka mid ah raggii weerarradaas qeybta ka ahaa gacanta lagu dhigay islamarkaana isaga oo dhaawac ah la qabtay.

SOMALI NEWS

To Top