WARARKA SOOMAALI

Somaliland oo shaacisay inay sii daynayso wiil dhalinyaro ah oo loo xidhay calanka Soomaaliya awgiis.

Hargeysa (HM)-Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland, Maxamed Kaahin, ayaa sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howlgalayo sidii Somaliland usii dayn lahayd wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Bilaal Bulshaawi, oo muddo ku dhow labo bilood ku xidhan Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka gooni ugoosadka ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa hadalkaan ka sheegay kulan lagusoo dhoweynayay Duuliye Axmed M Xasan “Axmed Dheere” oo xilligii dowladdii dhexe iska diiday in diyaarad uu duuliye ka ahaa duqayso Hargeysa.

Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah barta Tiktok, ayaa loo xidhay kadib markii isagoo Hargeysa ku sugan uu bulshada la wadaagay calanka Soomaaliya oo lagu dhex sawiray koob Shaah ah.

Hay’addaha dambi baadhista Somaliland, ayaa codsaday in xabsiga lagusii hayo Bilaal, kadib markii maxkamada lasoo taagay dhawaan.

Qoyskiisa ayaa maalmo ka hor ka codsaday madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi in wiilkooda xoriyadiisa loosoo celiyo.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top