WARARKA SOOMAALI

Masuuul ka tirsanaa Maamulka Puntland oo Garoowe lagu dilay.

Garoowe (HM)-Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda Darajada-koowaad ee Ciidamada Puntland ayaa xalay lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus) ayaa lagu dilay meel ku dhow hoygiisa ka dib markii sida wararku sheegayaan ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa xalay nawaaxiga goobta uu dilku ka dhacay ka sameeyey howlgalo baaritaan ah oo ay ku baadi goobayeen raggii dilka geystay oo goor horeba baxsaday.

Maamulka Magaalada Garoowe iyo laamaha Ammaanka Puntland weli kama hadlin dilkan, waxaana xusid mudan in Magaalada Garoowe ay ka mid tahay degaannada ugu amniga wanaagsan Puntland oo aan looga baran dilalka noocan ah oo inta badan la aaminsan yahay iney ka dambeeyaan kooxaha Al-Shabaab ama Daacish oo labaduba fariisimo ku leh.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top