WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo meesha ka saartay in wada hadalo hoose u socdaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hargeysa(HM) –Somaliland ayaa ka hadashay Warar sheegaya inay Wada-hadallo hoose ay kula jirto Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta maamulka Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay hore u jabisay dhammaan heshiisyadii lagu gaadhay shirarkii hore, sidaasi darteed aanay jirin sabab ay Xukuumadda Somaliland ay Wada-hadallo hoose la yeelato Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sidoo kale sheegay in Dawladda Federaalku ay faro-gelin ku hayso Somaliland, isagoo Wasiirku xaqiijiyey hadal uu dhawaan sheegay Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, kaasi oo ahaa in Dawladda Soomaaliya faro-gelin ku hayso Somaliland, isla-markaana doonayso inay iska hor keento Xukuumadda Somaliland iyo Shacabka sida uu kol hore Deni hadalkiisa u dhigay.

Wasiir Koore oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Siduu doono ha ula jeedo Madaxweyne Deni, laakiin waxa cad in Dawladda Muqdisho ka dhisani ay faro-gelin ku waddo Dad ka mid ah Ummadda reer Somaliland, laakiin runtii maaha wax aan laga war haynin, waa arrin lala socdo, Dawladda Somaliland-na indho dhaw ayay ku eegaysaa dhaqdhaqaaq kasta, waxay halkan ka doonayaana wax halkan uga soo suurto-gelaya maaha, Somaliland-na maaha wax Cid iska hor-keeni karto ama Cid ku shaqaysan karto iyo Meel Fikir loo soo dhoofin karo midna maaha”

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland oo la waydiiyey wuxuu yahay Faro-gelinta uu sheegay in Soomaaliya ku hayso Somaliland, ayaa ku jawaabay “Waxa laga yaabaa in shaqsiyaad lala soo xidhiidho, Bulshada qaybaheeda kala duwan ha kaga jiraane.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in aanay arrintani tuhun ahayn ee ay jirto “Arrintaasi way jirtaa, inay isku dayayaan inay Dad Ummadda reer Somaliland ah la soo xidhiidhaan, arrin Cad oo aan la qarinayn, laakiin arrin ay guul ku gaadhi karaan maaha..”

Koore wuxuu sheegay in Dad reer Somaliland ahi diideen fikrado ay u soo jeediyeen Masuuliyiin ka mid ah Dawladda Federaalka Soomaaliya oo la soo xidhiidhay “Dad ay la soo xidhiidheena waxay noo sheegeen inay diideen fikrado ay u soo jeediyeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Ummadda reer Somaliland iyo Dadka Waxgaradka ahi iyagoo Dawladdooda la shaqaynaya waa u diyaar inay arrintaa daba galaan, faro-gelintu maaha mid muuqata ee waa mid la xidhiidha Warbaahinta..”

Wasiirka oo la waydiiyey inay Dawlad ahaan qaadeen wax Tallaabo ah oo faro-gelintaa kaga hor-tagayaan, ayaa ku jawaabay “Annagu mar kasta diyaar baanu u nahay sidaanu arrintaa uga hor-tagi lahayn, Ummadda reer Somaliland-na maaha Ummad looga baqayo wax fikirkaa la xidhiidha..”

Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland ee Hargeysa oo la waydiiyey waxa ka jira Warar sheegaya inay Wada-hadallo si hoose ugu socdaan Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku jawaabay “Wax haba yaraatee wada-hadal oo aanu Xukuumadda (Soomaaliya) kula jirnaa ma jirto, waxa keliya ee aanu Xukuumaddaa ku wada-hadli karnaa waa Goob Caalamku markhaati ka yihiin, markaa haddaanu nahay Jamhuuriyadda Somaliland wax Wada-hadallo ah oo aanu la leenahay Xukuumadda Muqdisho joogta ma jirto.”.

Hadalka Wasiirka warfaafinta ee maamulka Soomaliland ku daadifeeyay wararkaa ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili goor sii horaysay Qaramadda Midoobay ay daboolka ka fayday in wadahalo hoose oo heer sare ah ay u socdaan Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaliland in kastoo Qaramadda Midoobay aysan carab dhabin cida gadh-wadeenka ka ah wadahadaladaas iyo faahfaahin ku saabsan toona.

Horufadhi News.

SOMALI NEWS

To Top