WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo goordhow Xabsiga kasii daysay Xildhibaan Dhakool oo mudo u xidhnaa Madaxtooyada.

Hargeisa  (HM ) Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Somaliland muddo bil iyo dheraad ahna ku xidhnaa magaalada Hargeysa ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Xildhibaan dhakool ayaa la xidhay  markii uu sheegay in 18-May ay tahay maalin madow, Sidoo kalana uu dhaliilo kala duwan u jeediyey Muuse Biixi.

Waxaa la sheegay inuu Xildhibaan dhakool horay u diiday inuu Raali gelin ka bixiyo Hadalkii uu horay u jeediyey.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xeer ilaalinta iyo Golayaasha Baarlamaanka ayaa sharci darro ku tilmaamay Qaabka loo xidhay, Iyadoona hadana lasoo daayey iyadoo aan wax Xukun ah lagu ridin.

Iyadoo ay guud ahaan Golayaasha kala duwan ee Baarlamaanka iyo Guurtida Soomaliland xadhiga Dhakool ku tilmaameen sharci daro sidoo kalana Maxakamadda Soomaliland diiday inay qaado Dacwada Dhakool ayaa waxaa ka hadashay Madaxtooyada Soomaliland oo sheegtay in Dhakool dambi Qaran ka galay Soomaliland taasoo la macno ah in uu mudadaasba u xidhnaa Muuse Biixi.

SOMALI NEWS

To Top