WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Cudurka halista ah ee Ebola oo lagu arkay Dalka Kenya iyo walaac xooggan Soomaaliya.

Muqdisho (HM)-Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in qof laga helay calaamadaha cudurka Ebalaha lagu arkay gobolka Kericho ee dalka Kenya.

Saraakiisha Caafimaadka Gobolka Kericho, ayaa sheegay in Haweeney u dhalatay dalka Kenya oo ku nool gobolkaas lagu arkay calaamadaha cudurka Ebalaha lana geliyay goob loo diyaariyay in lagu karantiilo dadka qaba curudkan.

Haweeneydan ayaa la sheegay in ay ku booqato seygeeda dalka Uganda oo hore cudurkan halista ah ee Ebolaha uu dad ugu diley.

HALKAN KA DAAWO VIDEO 

Dowlada Kenya ayaa heegan gelisay hay’adaheeda caafimaadka iyadoo cabsi xoog leh laga dareemayo gobolka lagu arkay qofka qaba cudurka Ebolaha.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fawsiya Abiikar Nuur oo ka hadashay cudurkan Ebolaha shalay ayaa sheegtay in sidoo kale hay’adaha socdaalka iyo amaanka dalka ay wargeliyeen islamarkaana lala soconayo dhaq dhaqaaqa dadka soo gelaya dalka.

Dalka Kenya oo deris la ah dalka Soomaaliya ayaa maalin walba waxaa taga dadweyne faro badan iyadoo diyaarado jaadka ka soo qaada dalkaasna ay tagaan magaalooyin badan oo dalka Soomaaliya ku yaal.

SOMALI NEWS

To Top