WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo go’aamo kasoo saartay Ciyaaraha Gobalada oo sababay rabshado & dagaal-Video

Hargeisa (HM)-Ciyaartii shalay dhex martay Gobollada Hawd (Baligubadle) Iyo Daadmadheedh (Oodwayne) ayaa waxaa guushu raacday gobolka Daadmadheedh, sida ay Go’aamisay Wasaaradda ciyaaraha Maamulka Somaliland.

Xulka Gobolka Hawd ayaa ciyaaraha Somaliland laga mamnuucay muddo 5 sano ah, iyadoo sidoo kalana lagu ganaaxay lacag dhan labaatan Milyan oo shilinka Somaliland ah.

HALKAN KA DAAWO

Cabdirisaaq Hero Goolhayihii Xulka gobolka DAADMADHEEDH ayaa lagu ganaaxay inaan aanu ka qayb gelin Ciyaaraha Somaliland muddo 2 sano iyo 3 bilood ah kadib markii u hanjabay mid kamid ah garsoorayaasha kulankii shalay ay ka guulaysteen Hawd.

Ciyaartii shalay ayaa waxaa ka dhashay Rabshado iyo Gacan ka hadal ay dad iyo Ciidamo ku dhaawacmeen, Kadib markii Xulka Gobolka Hawd uu diidey Gool ku laad laga dhaliyey,  Iyadoona mid kamid Ciyaartooydu uu Gacan u Qaaday   Albiitarihii Ciyaarta oo u dhashay dalka Uganda.

Ciyaarta maanta ayaa la filayaa inay Dhexmarto Xulalka Gobolada  Maroodijeex (Hargeisa) iyo Gabiley,  Waxaana Kooxda soo baxda  ay Ciyaarta kama dambaysta ah isku wajihi doonaan Xulka Daadmadheed ee kusoo baxay Ciyaartii dagaalka dhalisay.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top