WARARKA SOOMAALI

Donald Trump oo markii ugu horaysay Muujiyey inuu Aqbalayo Guuldarada doorashada-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ku guuleystay gobolka Georgia, Waana musharraxii ugu horreeyay ee Dimuqraadi ah ee gobolkaasi ku guuleysta tan iyo sanadkii 1992.

Natiijada cusub waxay sare u sii qaadaysa guushii Mr Biden, isaga oo helaya ku dhawaad 306 cod ee codadka ergada dorashada, oo ah nidaamka Mareykanku ay u adeegsadaan doorashada Madaxweynaha.

Madaxweyne Trump waxaa la sadaalinaya in uu ku guuleysto gobolka North Carolina isago heli doona 232 codadka ergada doorashada. Mr Trump oo diiday in uu qirto in doorashada looga guuleystay ayaa markii ugu horeysay carabka ku dhuftay suurta galnimada xukuumad cusub in Aqalka cad hogganka u qabato bisha kowaad ee sanadka 2021-ka.

Isagoo u muuqda nin degan, Madaxweynuhu ma uusan qiran in laga guulaystay, mana uusan carabaabin Joe Biden. Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynuhu uu kasoo hormuuqda saxaafadda tan iyo intii doorashada ay dhacday, wuxuuna ka hadlayay xaalada cudurka coronavirus ee dalkiisa

”xukuumaddan dalka bandaw ma gelin doonto,” ayuu yiri Mr Trump oo barxadda Aqalka Cad shir jaraai’d ku qabtay, iyadoo dalka uu wajahayo xaaladii ugu darnayd ee cudurku ku faafayo. ” waxaan rajeynaya…. Wax kasta oo dhaca Mustaqbalka -yaa garanaya maamulka uu noqon doono, waxaan filaya waqtiga ayaa sheegii doona.”

HALKAN KA DAAWO

Madaxweyne Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, Cadaadis ayaa kusii kordhaya, si uu u qirto in doorashada looga guulaystay isla markaana uu gacan ka geysto diyaarinta nidaamka xilwareejinta iyo caleema saarka maamulka cusub.

Guusha Biden si rasmi ah looguma dhawaaqin halka kooxdiisa u qaabilsan xilwareejintana aan wali loo fasixin inay la macaamilaan hay’addaha dowladda iyo kharshaadkii loogu talagay in si wanaagsanu uu u dhacdo caleema saarka. Xukkumadda Trump waxay u diiday inay la wadaagto Biden maclumaadka xasaasiga ee ammniga taas oo sameyn ku yeelan doonta Madaxweynaha la doortay in uu dalka maamulo, sida ay sheegtay afhayeenka Biden, ee Jen Psaki.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top