WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo cadaaadis xooggan saaraysa Korneyl Caarre iyo Jabhadiisa ku sugan Sanaag…

Ceerigaabo (HM) ―Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa maanta qaaday talaabo ay cadaadis xoogan ku saareyso Hogaamiyaha jabhada dib u xoreynta Somaliland, Kornayl Siciid Caare.

Xukuumada Biixi ayaa saaka Ciidamo badan waxay geysay deegaano ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, oo u dhow Buuraley ay saldhig ka sameeysteen ciidamada uu hogaamiyo Kornayl Caare.

Ciidamadan saaka la geeyay deeeganadaasi ayaa waxa hogaaminayey Taliyaha Ciidamada RRU-da Somaliland, kuwaasi oo laga soo kala qaaday deegaanada Tukaraq iyo galbeedka Hargeysa.

Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in Somaliland ay ciidamadan culeys ku saareyso in Kornayl Caare uu ogolaado inuu isku soo dhiibo, kadib markii ay wax natiijo ah keeni weysay waan-waan iyo wada-hadal ay labada dhinac ka dhex wadeen guddi iskugu jiray odayaal iyo waxgaradka gobolka Sanaag.

Ilaa iyo haddana ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan ciidamadan badan ee saaka ay geeysay deegaanada Ceerigaabo.

SOMALI NEWS

To Top