WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Sir Culus:-Qaraxii Gobalka Banaadir dhaawaca Yariisow iyo Cida ka dambaysa-Video

Muqdisho (HM) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) ayaa shaaciyey sir culus oo ku aadan weerarkii xooganaa ee shalay ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Tuulax ayaa sheegay weerarkaasi ay hagayeen dad ku sugan gudaha dhismaha xarunta mamaulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay baarayaan cida la shaqeyneysay Haweeneyda is qarxisay oo la rumeysan yahay inay ka tirsan tahay shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) ayaa intaasi ku daray in dib loo baarayo dhaq dhaqaaqa ay duubeen Kaamirooyinka ku xiran xarunta gobolka Banaadir.

HALKAN KA DAAWO SIRTA

Qaraxan oo ay sheegatay Al-Shabaab, islamarkaana ay ku dhinteen guddoomiyeyaal iyo agaasimeyaal heer gobol ayaa waxaa la’is weydiinayaa, sida uu ku suuragalay weerarkaasi.

Amniga xaruntan ayaa si weyn loo ilaalin jiray, iyadoo ay ka howlgalayeen ciidamo gaar ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi gaar ah u xilsaartay dhacdadan, kuwaas oo sidoo kale ka shaqeyn doono, sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi.

SOMALI NEWS

To Top