WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Muuse Biixi oo war cusub kasoo saaray xaalada Gobalka Sanaag..

Laascaanood (HM) ―Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu hore xaalad deg-deg ah ugu soo rogay degmooyinka ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwasi oo kala ah Ceerigaabo, Ceel-Afweyne iyo Gar-Adag.

Muuse Biixi ayaa maanta ka laabtay xaaladii deg-dega aheyd ee uu xiligaasi uu ku soo rogay deeganadaasi, taasi oo uu ku sababeeyay in xiisadii gobolkaasi la dajiyey, ayna hadda nabad-doontahay.

Wareegtada uu Madaxweynuhu kaga laabtay xaaladii deg-deg aheyd ayaa waxay u dhigneyd sidan:

Wareegto Madaxweyne

Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah

Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida Hargeysa
Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Hargeysa
Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka Hargeysa

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;

Markaan Arkay: In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn;

Markaan Arkay: In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi;

Markaan La-tashaday Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd.

2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga.

SOMALI NEWS

To Top