WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Khayre oo ku dhawaaqay war aysan dhibsan doonin dhagaha Madaxda Maamulka Soomaliland-Video

Laascaanood (HM) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo munaasabadda 26-ka June uga qeyb galay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa ugu hambalyeeyay maamulka Somaliland xuska 59 guurada xorriyadda Soomaaliya, gaar ahaan maalinta madax banaanida gobollladaasi ee 26-ka June.

Khayre ayaa sheegay in dhibaato siyaasadeed oo dhacday lagu kala tagay, balse aan lagu talagalin wixii gaaray Somaliland.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay ka xuntahay dhibaatadii gaartay dadka dagan gobolka Waqooyi ee Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaarabeyso dhibaatada gaartay walaalaha Somaliland.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amaaanay shacabka iyo madaxda maamulkaasi dadaalkii ballaarnaa ee ay u galeen madaxbannanida dalka iyo midowga  koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Somaliland oo 1991-kii ku dhawaaqday inay ka’ go’aday Soomaaliya inteeda kale ayaa tan markaasi raadineysay madax banaanin, inkasto aysan weli waxba ka hirgalin.

Hadalkan ka soo yeeray Xukumadda Soomaaliya ayaa imaanaya, xilli shalay dowladda federaalka ay shalay ka biyo diiday ka qeyb galka shir ay isugu imaan lahaayeen wakiilo ka socday labada dhinac.

Shirkaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa kali ku noqday Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top