WARARKA SOOMAALI

Somalia iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay ballaarinta Iskaashiga labada Dal

Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayaa kulan doceed kula qaatay Xarunta Qaramada Midoobey ee New York Dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah.

Kulanka Wasiir Abshir Cumar Jaamac iyo dhiggiisa Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa waxaa ay ka wada qeybgalayaan shirka 77aad ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa, kaasi oo ka furmay dalka Mareykanka

Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada xoolaha, kalluumeysiga, kordhinta isdhaafsiga ganacsiga, cunto yarida, abaaraha iyo howlaha Golaha Dowladaha dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Labada wasiir ayaa caddeeyay qoto-dheerida xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.

Somalia iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay ballaarinta Iskaashiga labada Dal
To Top