WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dil k dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafad ka tirsan degmada Dhrakeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Nabaddoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Nuur Garaad (Seefle), kaasi oo u dhintay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in kooxihii dilka fuliyey ay goobta ka baxsadeen, iyadoo marxuumkana uu isla goobta ku geeriyooday, waxaana  markii loo qaaday Xarunta dembi baarista CID-da.

Marxuum Nabadoon Cabdullaahi Nuur Garaad “Seefle” ayaa ahaa nin afgaaban oo cibaado badan sida ay sheegeen dadka aqoonta u leh.

Ma jirto cid sheegatay dilka nabadoonka, inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Wararkii ugu danbeeyay Dil k dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho
To Top