WARARKA SOOMAALI

Ciidanka DANAB iyo Gorgor oo howlgalo ka wada degaano laga saaray Al-shabaab

Ciidanka Kumaandooska ee DANAB iyo Gorgor ee xoogga dalka ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinaayo ka wada degaano dhowaan laga saaray dagaalamayaasha Al-shabaab.

Deegaanada ciidanka ka wadaan howl galka ayaa waxaa ka mid ah Ceel lahele, Nuur Fanax, Beer xaane,Baardheere,  Booco, Garasyaani iyo degaano kale oo dhaca wabiga shabelle

Degaanada laga saaray Al-shabaab ayaa ah kuwa ay ku dhibaateeyn jireen shacabka Dadka ku dhaqa degaanada ay lawareen ciidanka xoogga ayaa soo dhaweeyay imaatinka ciidanka dowladda.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa Codsaday in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka deegaanka Booco oo muddo dhowr iyo tobon sanno ay gacanta ku hayeen dagaalamayaasha Al shabaab.

Deegaano Booco ayaa muhim u ahaa  Al shabaab waxaana ay ku lahaayeen, maxkamad iyo sido kale goobo la sheegay inay lacago uga qaadi jireen dadka, waxaana shalay si toos ah ulawareegay Ciidanka Xoogga dalka.

Ciidanka DANAB iyo Gorgor oo howlgalo ka wada degaano laga saaray Al-shabaab
To Top