WARARKA SOOMAALI

Sida Dalka looga dareemay Kiiska Korneyl Tuke iyo Gabay Culus-Akhriso

Tuke Xirgi laawe cabdi xaafidow ma xarragooneene Xabaal baad ka door bidi lahayd xaaladdaan nahaye Xusbad li’ida daaroodka iyo xeesha nacabkooda Ama xubinta ay kaga jiraan xilligan Soomaali Xog ogaal haddaan nahay naflaha lama xidhiidhneene Xooliyo inaan dhaqano maal ama xajkii aadno Xaaraan iyo bakhtay naga yihiin xila la yeeshaaye Rag aan laga xishoonayn waqtigan lana xaq dhowraynin Oo xoog inay leeyihiin lagu xisaabaynin Oo laga xayuubsaday xil iyo xoolo wuxuu haystey Oo xaasaskoodii rag kale uga xawaareeyey Oo xero qaxontiga u galay xeebashada ruuxa Oo uu dameer xadhig furtiyo xoorku daba joogo Oo aan u xiiqtiran ilaa xarun maraykaanka Oo lagu xidhxidhayoo kufriga loola xulufaystey Oo aan xanaaqayn haddii xawda laga gooyo Oo aan xayi ahayn hadana laba xabaalaynin Oo isu xoog badan iyagu xaasidkaa ba’ane Waa xaalka uu yahay tolkeen xillgan joogaaye Afartaa xa’dii samater iyo gabay xariirtii dheh Xumihii naloo gaystey iyo oday xasuustii dheh Xiddigeer ku yuurura tolkay xaalad uga sheeg dheh Xajiin iyo guhaad aan xushiyo xoroddo noolayn dheh Xaraf kalana waa xogo kaloo xalay la iisheegay Inaan dunidu xoog iyo ahayn tiro xilqaankeedu Iyagoo xantooba ah faraha lagu xisabaayo Wax layidhi idoor baa xukuma xeebo iyo howde Calan aan xiddig cad loo ogayn xararna loo yeelay Oo laga xumaday darraad xagi ka taagene Wax layidhi xad bay doonayaan inay xariiqdaane Garowow xuduudaa la yidhi xeebahaa bariye Xambaaray hartiga doonayaan inay ku xaabshane Xasuuq bay rabaan baa la yidhi inay ku xaaqane Xorriyadii ogaadeen horay xabash ka iibshene Xulufay ahaayen tan iyo xaylihii hora e Xeegaan bay ku wada leeyihiin inay xidhnaadaane Wax layidhi kun xoggiya bay xaashi ku qorteene Wax la yidhi xafiisyaa u furan oo xog doon badane Wax la yidhi xul bay soocayaan kii xiniiya lehe Xildhibaanadii baa u daran xeerka hayn jiraye Wax la yidhi Tukaa xadhig ku jira oo xanniban jeele Anigana xaluu ilahadloo wan xantanayaaye Xabeebsiga codkiisiyo ninkaa xuurta hadalkiisa Qalbgay xanuunoo jidhkaa xoon ka soo kudaye Markii aan xogtiisiyo warsaday xaalka lagu haysto Wuxuu yidhi xaq iyo baadil baan xero wadaagayne Tolkay baa xumaadaye isaaq ima xabaadheene Sidii xoola baadiya hadhkii ima xaraashene Xujaaj iyo cuqaal iyo wasiir iguma xeermeen xishood dhimaye xaas iyo haween iguma xoomene Wuxuu yidhi xog laawaad tihiyo xaaji qaafilahe Xaalku ma aha anigoo qudhiyo xayn yar oo kale e Waa gowrac wayl loo xidhiyo xeerkii dibigiiye Ninba maalin baa loo xadiday oo xukuman mowd’e Xisaab iyo khadbaa lagu socdaa soo xad kii ladane Nin walaalki loo xiirayow xigide soo qoyso Dabadeed xifaaladatan buu xiisa ii faraye Wuxuu yidhi xilqaanimo u sheeg xarun kastaad gaadho Habarwaa xanaaq kama sugayn xiisa dirireede Way xila dallaaqeen inay xagatin gaystaane Waa xabarbarshiyo rooti iyo xaydho iyo beere Hadday muusayaal I xistiyen xeelad iyo weerar Xariirtii hayaag iyo yaxyana ma iska kay xooray waa lagu xurmayn jiray absame meel xabadi taalle Xoog bay ahaayeen waqood xaalkastay tahaye Xikmad iyo aftahamay naflaha ku xakameeyeene Iyagaa cid noo xiga markii xiis la weeraro e Xafiisyada markay noqotay bay dib u xishoodeene Miyey xaylayaal iyo go’een xamar raggii haystey Geri baan xilkuu sidi jiriyo xoorin sharaftiiye Daarood xulkii buu ahaa tan iyo xaataaye Xuluulaysi may qaban hunguri xamasho waaceebe Xaashaa lilaahiye ma jirin xeeray jabiyeene Xasiloonidoodii miyaa xoorku igu jiitay Mareexaan xabiib buu ahaa xabin difaacay e Weligoodba geesay xigaan layma soo xuline Xulufaysi reer kale ma arag ciday ku xoojeene Ma xeebtii kismaanyaa tollimo kala xadhaadhaatay Iyagaa xoreeyaye maxay xooga ugu sheegan Anigana maxay ii xistiyi ima xasuustaane Hal xidhaale diin iyo xujiyo hadalla xeer beegti Ama qoraal xafiisyada galoo xaashi lagu duugo Xumo laga jawaabiyo dil iyo meel xabidi taallo Xerta leel kasiyo awr tablaan xani ka raacdeene Ma xogtaan la gaadhsiin bahday ima xumeeyeene Xuduudaha hartiga buuxshey iyo xeebta iyo soolka Ee boqorku xeerka u hayee lagu xurmaynaayo Xornimiyo wanaag bay arlada ku xukumaayeene Xayuun iyo qayuun bay kufriga la xarbiyaayeene Markii xaasid koodii batay xagal ka daaceene Ha yeeshee xilqan lagama tago ficil xigaalkaaye Xirrib iyo siyaasada xafidan xadhig la qoolaayo Oo ay wada xarriiqaan xul iyo nimanka xood xoodan Xildhibaano caaniyo duqow xaal walba u joogay Xujaaj duub leh kumanyaal timuhu xayga ka caddaaday Iyo kuman xafiisyada fadhiya xeerka laga doonto Iyo kuman war xiisa leh ka qora dunida xaydaaban Iyo kuman xisaabaha hayoo xoola bixinaaya Iyo kuman xabada haysta oo xoog u diriraaya Iyo kuman xasarad loo diroo hadalla xoorxoora Intaasoo xigaalkay ahoo xaafad ila jooga Xadhig nacab dhamaantood hadday iga xorayn weydo Majeerteen xabeeb lihi hadduu dirir u soo xaydan Xabaala cas haddaan laga dhigayn xarunta iidoorka Waa xero ka saar iyo rabbigay xaaja uu qoraye.

 

SOMALI NEWS

To Top