WARARKA SOOMAALI

Shirkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashi hore soo gabagaboobay-Akhriso.

Muqdihso (HM)-Waxaa goor dhow soo gaba-gaboobay Kulankii u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, iyadoo kulanka uu qaatay illaa saddex saac.

Kulanka oo bilowday duhurnimadii, kuna bilowday Qado sharaf uu Madaxweyne Farmaajo ugu sameeyay Guriga Villa Somalia Madaxweynayaasha hore ayaa waxaa kaddib la guda galay ka hadlay qodobada xasaasiga ah ee ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka dhacay.

Inkastoo kulanka ahaa mid saddexda Madaxweyne ku keli ahaayeen, ma jiro wax muuqaalo ama sawiro la soo tabiyay, waxaana jiray balan horay loo dhigtay oo ahaa in aan wax sawirro ah la qaadin.

Shirka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa Madaxweynayaashi hore ay ka soo huleeleen Xarunta Madaxtooyada, iyagoo dib ugu laabtay xarunta Madasha Xisbiyada Qaran, halkaasoo kulan ay kula leeyihiin xubnaha Madasha, kana warbixinaya wixii dhex maray iyaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

Shir saxaafadeed lagu faah faahin doono kulanka Madaxweynayaashii hore iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in goor dhow la qabto, iyadoo Wariyeyaasha looga yeeray Xarunta Madasha oo ah Hoyga Sheekh Shariif.

SOMALI NEWS

To Top