WARARKA SOOMAALI

Muudeey oo ka dalbaday Wasiirka Maaliyadda inuu sharaxaad dheeri ah ka bixiyo Deyn Cafinta dalka.

Muqdisho (HM)-Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka federalka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahin Muudeey oo maanta ka hadlay kulan uu baarlamaanka iyo aqalka sare isugu yimid ayuu su’aal ka keenay barnaamijka deyn cafinta ee dowlada Soomaaliya.

Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa ka dalbay Wasiirka Maaliyada dowlada federalka inuu horyimaado baarlamaanka isla markaana u sharaxo barnaamijka deyn cafinta oo uu ku tilmaamay inaan xog badan laga hayn.

“Hadal kaliya lama rabo waa inaad noo sharaxdaa halka ay marayso deyn cafinta,faa’idada aan ka heleyno waa inaan kaa helnaa warbixin cad oo lagu qanci karo.”ayuu yiri Muudeey.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa shaki geliyay sida ay isugu xiran yihiin in deynta laga cafiyo Soomaaliya iyo qorista shaqaalaha dowlada oo muddo saddex sano ah xayiran.

“Shaqaalaha waxaad ku xirteen deyn cafinta inoo cadeeyo Wasiir sababta shaqaale loo qori waayay saddex sano dadka aan u sheegnee annagana,”ayuu sii raaciyay xildhibaan Muudey oo ah guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Federalka.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Muudeey ayaa si kulul u weeraray tixgelinta la siiyo dadka qurbaha ka yimid marka shaqaale la qaadanayo, oo la yiraahdo waxa mushaarkooda bixinaya shaqaalaha hay’ado ayna ka mid ahayn kuwaas dadkii wadanka ku noolaa oo dhibaatada iyo qaxarka u adkeystey.

“Xafiis walba waxaa dhooban Diaspora boorsooyin wata lagasoo bilaabo kan madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha oo la leeyahay English bay yaqaanaane hala shaqaaleysiiyo aaway xuquuqda dadkii dalkaan dhibaatadu kula dhacday aqoon malahan miyaa iyagu,waxaas ma aqbali karno” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudey.

Wasiirka Maaliyadda dowlada federalka Soomaaliya C/maan Ducaale Beyle ayaa sheegay dhowaan in inta badan deymaha lagu leeyahay dowlada Soomaaliya laga cafinayo dhowaan.

SOMALI NEWS

To Top