WARARKA SOOMAALI

Shirkadda Turkish Airlines oo si KMG ah u joojisay duulimaadyadii Muqdisho & sababta

Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa shaacisay inay si KMG ah u joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Arrintan ayaa waxaa lagu shaaciyey qoraal kooban oo ay soo saartay Shirkadda Turkish Airlines, waxaana joojinta safarada la ogeysiiyey dhammaan macaamiisha Shirkada.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in sababta talaabadan keentay ay tahay shidaalka dayuuradaha oo ka go’ay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saartay Shirkadda Turkish Airlines

Shirkadda Turkish Airlines oo si KMG ah u joojisay duulimaadyadii Muqdisho & sababta
To Top