ENGLISH NEWS

Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay Caabudwaaq iyo Ninkii fuliyay oo…

Waxaa xalay Xaafada waabari gaar ahaan laanta hawada oo ka tirsan Dagmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug lagu dilay Nin lagu Magacaabi jiray Bare Cali Maax.

Nin hubeysan ayaa la sheegay in uu geystay dilkaas, waxaana Goobta dilka ka dhacay gaaray Ciidamada Ammaanka degmada Cabudwaaq, kuwaas oo la sheegay in daqiiqado kadib ay gacanta ku dhigeen Ninkii dilka geystay.

Sarkaal u hadlay Ciidamada xasilinta degmada Cabudwaaq ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Ninka ka dambeeyay dilka Marxuum Bare Cali Maax, kaas oo lagu Magacaabo Cabduqaadir Cali Muuse lana qabtay xilli uu doonayay in uu baxsado.

Dhowr todobaad ka hor ayaa degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay dilal la xiriiray aanoouin qabiol, balse ay istaageen markii Maamulka Galmudug uu degmadaasi geeyay Ciidamo isugu jira, Boolis iyo Nabadsugid.

Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay Caabudwaaq iyo Ninkii fuliyay oo…
To Top