WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Masar ee Somalia?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Albaaz.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday Iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Danjire, Max’ed Albaaz Ra’iisul Wasaare Rooble ku amaanay dedaalkii uu u galay dhameystirka doorashooyinkii dalka ka dhacay oo ay u dambeysay tii Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dowladaha Somalia iyo Masar uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo walaalnimo kaasoo salka ku haya, iskaashi iyo wax wada qabsi.

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Masar ee Somalia?
To Top