WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble “Aniga iyo Farmaajo si wanaagsan ayaan u soo wada shaqeynay”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shirka kadib warbaahinta la hadlay ayaa ka Warbixiyey Arrimo dhowr ah, isagoona Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay madaxda ugu duceeyaan in uu Eebbe ku guuleeyo howsha qaran ee loo  igmaday.

Inta uu socday Shirka Golaha ayaa waxaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay Madaxweyaha Xafiiska kasii dagaya ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble inay wadashaqeyn wanaagsan dhexmartay isaga iyo Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Carabka ku dhuftay in aysan jirin xumaaan shakhsi ah oo ka dhaxaysa marka laga reebo inay doorashada ku kala aragti duwanaayeen, ayna jireen dad khilaafkooda sii hurinayay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-RW Rooble “Aniga iyo Farmaajo si wanaagsan ayaan u soo wada shaqeynay”
To Top