WARARKA SOOMAALI

Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo Maanta Arrimo muhiim ah kulan ka yeeshay

Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha, waxaana kulanka Maanta ay yeesheen Xasan Sheekh iyo Farmaajo uu yahay midkii labaad tan iyo markii ay dhacday doorashadii Madaxweynaha.

Kulankii Maanta dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Madaxtooyadda iyo xubno kale oo la socday Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo Maanta Arrimo muhiim ah kulan ka yeeshay
To Top