WARARKA SOOMAALI

Shirka Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada oo Maanta furmaya

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo tallaado ah lagu wadaa inuu ka furmo Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka oo ah mid uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waday inuu shalay furmo, hayeeshe dib u dhac ayaa ku yimid, hayeeshee gelinka dambe ee Maanta ayuu furmaya, iyado looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dhacaya Soomaaliya, xili weli muran xoogan uu ka taagan yahay.

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa sidoo kale looga arrinsan doonaa sida lagu xalin karo khilaafka ka taagan doorashada oo ugu weyn yihiin arrinta Gedo, Guddiyada ee la magacaabay iyo arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona xalay kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga ah yeeshay.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka ku hor gudban doorashada, waxaana Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan uu kulamo la qaatay madaxda dowlad Goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo.

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan, kadib markii xalay halkaas lagu garaacay tirro hoobiyeyaal ah.

SOMALI NEWS

To Top