WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Dhuusamareeb, xili Farmaajo iyo Rooble…

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in habeenkii xalay aheyd gudaha Magaaladaas laga maqlay jugta madaafiic culus oo ku dhacayay.

Ilaa iyo 10 madfac ayaa lagu garaacay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur oo qaarkood ku dhacay xaafado ka tirsan Magaaladaas, xili ay halkaas ku sugan yihiin Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamulada dalka.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa u sheegay in xalay ay maqlayeen dhawaqa tirro hoobiyeyaal ah oo soo dhacayay, isla markaana qaarkood ay ku dhaceen dhinaca dambe ee Garoonka diyaaradaha.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in saddex ruux oo mid haweeney ay tahay uu dhaawac soo gaaray, kadib markii madfac habow ah uu ku dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla kasoo horjeeda Xarunta Maxkamadda Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saaka xaaladda ay degan tahay, isla markaana laamaha amniga Maamulka Galmudug ay wadaan howlgal baaritaano oo amniga lagu xaqiijinayo, waxaana horey sidaan oo kale weerar loo adeegsaday Madaafiic Al-shabaab  ku qaadeen Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle Koonfur Galbeed oo shalay gaaray halkaas, si ay uga qeyb galaan Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha.

SOMALI NEWS

To Top