ENGLISH NEWS

Shirka caalamiga ah ee Tokyo oo Maanta furmaya iyo Qodobada laga hadlayo

Shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD) ayaa Maanta oo sabti ah waxaa uu ka furmayaa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya, waxaana ka qeyb galaya Madax ka socota dalalka qaaradda Afrika iyo hay’adaha caalamka.

Shirkaan ayaa waxaa inta uu socdo looga hadli doonaa qoodobo ay kamd yihiin Isbeddelka cimilada, kor u qaadida Ganacsiyada u wanaagsan deegaanka iyo cuntada yarida ka jirta Afrika, kadib duullaankii Ruushka ku qaadey dalka Ukraine.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaan ayaa waxaa ku jira Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo gaaray Magaalada Tunis, waxaana sida uu qorshahu yahay Ra’iisul Wasaaraha uu khudbad ka jeedin doonaa Shirweynaha.

Waa Shirkii sideedaada ( 8aad) ee noociisa oo kala ah, markii labaadna lagu qabto qaaradda Afrika.

Madasha Shirka ayaa waxaa isugu imaan doona madaxda wadamada Afrika iyo wafdiyo ka socda hay’adaha caalamka, si looga wada xaajoodo arrimaha mudnaanta u leh dardargalinta horumarka Afrika.

Shirka caalamiga ah ee Tokyo oo Maanta furmaya iyo Qodobada laga hadlayo
To Top