WARARKA SOOMAALI

Duqeyn khasaaro sababtay oo ka dhacday G/Tigray & faah faahin la halay

Diyaaradaha dagaalka dowladda Federaalka Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeyn dhinaca Cirka ka fuliyey gobolka Tigray ee dalkaas, waxaana duqeynta ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida wararku sheegayaan.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay duqeynta diyaaradaha Itoobiya ka geysteen gobolka Tigray, waxaa sidaas shaaciyey Dhakhaatiirta Gobolka. Jabhada Tigrey ayaa Ciidanka dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay weerarka fuliyeen.

Labada dhinac ayuu midba midka kale ku eedeeyay hurinta iska-hor-imaadkan cusub, kaas oo jugtiisa laga maqlayo magaalada Kobo ee u dhow xudduudda Tigray ee gobolka Axmaarada

Afhayeenka fallaagada TPLF, Getachew Reda ayaa wuxuu maalintii Isniinta bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dowladda dhexe ee Itoobiya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka Tigray.

Duqeyn khasaaro sababtay oo ka dhacday G/Tigray & faah faahin la halay
To Top