WARARKA SOOMAALI

Gaari ay saarnaayeen shacab oo Qarax lagula eegtay dueedka Kismaayo

Gaari ay saarnaayeen dad shaca ah oo safar ahaa ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay qarax sababay khasaaro lagula eegtay deegaanka deegaanka Yaaqxaluul oo hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Inta la xaqiijiyey illaa saddex qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga qarxiyey ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kuwaasi oo qaraxa kadib la geeyay Isbitaal oo lagu dabiibayo, Dadka deegaanka Yaaqxaluul ayaa gurmad u sameeyay shacabka waxyeelada gaartay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Maamulka Jubbaland iyo Ciidamo kale oo kamid ah Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa ka howlgala Jubbada Hoose ayaa tegay degaanka Yaaqxaluul, kuwaasi oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey degaanka.

Qaraxyo miinooyinka ayaa marar kala duwan waxaa ay ka dhaceen deegaano hoostega Magaalada Kismaayo, waxaana xiliyada qaarkood qaraxyada ay qabsadaan gaadiid ay saaraan yihiin shacab ah oo safaro u ah deegaano iyo degmooyin ka tirsan Jubbaland.

Gaari ay saarnaayeen shacab oo Qarax lagula eegtay dueedka Kismaayo
To Top