WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dad ka careysan Dil ka dhacay Muqdisho oo xirtay waddo muhiim

Askari Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee Minishiibiyada ayaa Maanta darawal kamid ah kuwa kaxeeya gaadiidka nooca xamuulka qaada ku dilay wadada hormarta Iskuulka 21-ka October ee Magaalada Muqdisho.

Dilka loo geystay darawalka ayaa ka yimid, kadib markii askariga uu darawalka ku amray inuu gaariga weyn ka leexiyo wadada oo Jaam ka jiray, isla markaana askariga iyo darawalka uu muran kooban soo kala dhex-galay, kadibna askariga uu dilay Ninka.

Qaar kamid ah darawalada gaadiidka xamuulka ee ka shaqeya dekadda Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in askariga uu darawalka u dilay lacag laaluush ah oo uu doonayay inuu siiyo, xilli uu gaariga Canshuurnaa , uuna darawalka watay cadeyn.

Darawalada oo xirtay wadada hormarta Iskuulka 21-ka October ayaa Madaxweynaha iyo dowladda ka dalbaday inay sharciga horkeenaan Askariga dilka geystay oo goobta ka baxsaday.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Dad ka careysan Dil ka dhacay Muqdisho oo xirtay waddo muhiim
To Top