WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Kulamada Madaxweyne Xasan Sheekh & MW Deni

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulamo oo Albaabada u xiran yihiin ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Kulamada ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii loo xalin lahaa tabashooyinka uu Maamulka Puntland ka qabo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Maamulka Saciid Deni la leeyahay dowladda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyn Deni ka wada arrinsadeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si siman dowlad Goboeedyada dalka u gaarsiiyo deeqaha Caalamiga ah ee dowladda loo soo marsiiyo maamulada dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in kulamo uu la qaato qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Puntland ee ku sugan Magaalada Garoowe iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah Maamulka.

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu khilaaf xoogan kala dhexeeyay dowaddii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo khilaafkii labada dhinac gaaray meel xun.

Wararkii ugu danbeeyay Kulamada Madaxweyne Xasan Sheekh & MW Deni
To Top