WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif oo War kasoo saaray khilaafka MW Farmaajo iyo RW Rooble

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ayaa sheegay in go’aanada uu qaatay Farmaajo ay yihiin kuwo halis ku ah jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka.

Sidoo kale Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dalka xalkiisa uu kujiro oo kaliya dhammaystirka doorashadii lagu heshiiyay.

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in Bulshada Soomaaliyeed inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ugu baaqaya bulshada Soomaaliyeed inay meel ugasoo wada jeestaan badbaadada Dalka iyo Dowladnimada.

Hoos Ka Akhriso qoraalka Sheekh Shariif Shariif.

Go’aanadii uu qaatey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo waxay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka.

Dalkaan xalkiisu wuxuu ku jiraa oo kaliya dhammaystirka doorashadii lagu heshiiyay, lana saxo wixii ka khaldan, taasoo loo igmaday hogaaminteeda RW Mohamed Hussein Rooble.

Talaabooyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo horseedi karo qalqal siyaasadeed, cidna looguma dulqaadan karo, waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorashada.

Bulshada Soomaaliyeed waa inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye. Waxaana ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in aynu meel ugasoo wada jeesanno badbaadada Dalka iyo Dowladnimada.

Sheekh Shariif oo War kasoo saaray khilaafka MW Farmaajo iyo RW Rooble
To Top