WARARKA SOOMAALI

Muxuu Mareykanka ka yiri xiisada ka taagan Magaalada Muqdisho?

Mareykanka oo kamid ah dowladaha taageera Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxeeysa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble ee Manata ka taagan Gudaha Villa Somalia.

Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri”  Waxaan si adag ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda Muqdisho, kana fogaadaan falalka kicinta ah, kana fogaadaan rabshadaha.

Mareykanka iyo dalalka kale ee Reer Galbeedka  ayaa inta badan ka gaabsada inay runta u sheegaan Shaqsiga loo arko in uu carqalad ku yahay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, waxaana khilaafka labada dhinac uu salka ku hayaa muran la xiriira dhanka doorashada dalk ka dhaceysa…

Muxuu Mareykanka ka yiri xiisada ka taagan Magaalada Muqdisho?
To Top