WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo weerar Afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goordhaw Muuqaal uu soo duubay la baahiyay ayaa ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo iyo xaalada siyaasadeed ee dalka xiligan kala guurka.

Rooble ayaa sheegay in talaabooyinkii uu saakay qaaday Madaxweyne Farmaajo ay yihiin talaabooyin bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, laguna jabinayo dastuurka iyo sharciyadda dalka u yaala.

Waxa uu sheegay Rooble in Farmaajo saakay weerar qaawan ku qaaday xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo xarunta golaha wasiiradda, si uu uga horjoogsado gudasha waajibaadka qaran ee loo igmaday Xukuumadda.

Rooble ayaana sheegay in Madaxweyne Farmaajo yahay musharax mar kale u taagan xilka Madaxweynaha, waxa uuna ugu baaqay in uu la mid noqdo musharaxiinta kale ee damaca uga jiro kursiga uu hada ku fadhiyo geesna u istaago sida musharaxiinta kale.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana faray taliyaasha iyo ciidamada qalabka sida in si toos ah amarada uga qaataan xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxa uuna cadeeyay cidii kahor timaada amarkan in si deg deg ah talaabo looga qaadayo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-RW Rooble oo weerar Afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo
To Top