WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo War kasoo saaray Ciidamo la dul-dhigay Xafiiskiisa

War laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu cadeeyay in Farmaajo uu Ciidan dul-dhigay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

War-saxaafadeedka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii ugu horreeysay lagu daabacay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhaqaaqay tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka,isla markaana mas’uuliyadda wixii ka dhasha uu qaadayo.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.

RW Rooble oo War kasoo saaray Ciidamo la dul-dhigay Xafiiskiisa
To Top