WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif oo ka hadlay Xaaladda Amni ee dalka farriina Deg-deg diray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaalada ammaan daro ee dalka ka jirta gaar ahaan weerarkii lagu qaaday xerada Xalane iyo qaraxyadii ka dhacay Baledweyne ee lagu dilay Xildhibaan Aamina iyo dad kale oo badan.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in ammaanka dalka uu faraha kasii baxayo, waxa uuna xusay in saacado gudahood weeraro khasaaro badan geestay ka dhaceen Muqdisho gaar ahaan weerarkii Xalane iyo qaraxyadii kale ee ruxay Baledweyne.

Waxa uu Sheekh Shariif sheegay in Al Shabaab ka dambeeyeen weerarka lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo shacabkii kale ee ku dhintay qaraxyada, waxa uuna ka gaabsaday in qaraxaasi siyaasad ku lug lahaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaana ugu baaqay madaxda maamulka u haya doorashada in ay ka shaqeeyaan sidii doorashada loo dedejin lahaa si meesha uga baxdo firaaqa loona helo xal siyaasi ah iyo mid amni.

 

Sheekh Shariif oo ka hadlay Xaaladda Amni ee dalka farriina Deg-deg diray
To Top