WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Lafta-gareen oo Shahaado siiyay Xildhibaanadda labada Aqal ee KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Shahaadada Kumeel gaarka ah guddoonsiiyey Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamanka JFS ee ku madali doona Koonfur Galbeed.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ku guddoonsiiyay shahaada aqoonsiga Xildhibaanimo Senataro iyo xildhibaano katirsan Aqalka Hoose oo lagu doortay Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shahaadooyinka guddoonsiiyay waxaa ku jira xildhibaano doorashadooda hakiyeen guddiga doorashada heer federaal ,kuwaa oo siyaabo aysan raali ka aheyn guddiga doorashada kusoo baxay.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa dhawwaan la filayaa in Xildhibaanada labada Aqal ee la doortay in ay diiwaan-geliyaan ayna si rasmi ah u shaaciyaan natiijadooda,  kaddibna la dhaariyo si ay u doortaan guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Madaxweyne Lafta-gareen oo Shahaado siiyay Xildhibaanadda labada Aqal ee KGS
To Top