WARARKA SOOMAALI

Ahlusunna oo weeraar Gaadmo ah Ciidan badan uga dishay DF iyo Galmudug

Waxaa xalay saqdii dhaxe deegaanka Balli-Bire oo dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimadda Galmudug ka dhacay dagaal xoogan oo dhax maray ciidamada DF oo ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo xooggaga Ahlusunna.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug oo marayay deegaanka Balli-Bire weerar xoogan oo ay safileyn kala kulmeen xoogag katirsan Ahlusunna oo halkaasi ugu sii diyaarsanaa una dhigay weerar dhabo gal ah.

Sida aan wararka ku helnay gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xilligaasi doonayay in ay soo galbiyaan rag katirsan Ahlusunna oo sheegay in ay kasoo goosteen kooxdaasi una soo galayaan dhinaca Galmudug.

Ku dhawaad 10-askari oo katirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa lagu dilay weerarka Ahlusunna ku gaadeen ciidamada huwanta ah, waxaa sidoo kale la sheegay in Ahlu Sunna gubeen gaari dagaal sidoo kale qabsaeeen hub kala duwan.

Meydadka askarta ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug looga dilay dagaalka ka dhacay Duleedka magaalada Dhuusomareeb ayaa loo soo qaaday magaalada, waxaana saakay Dhuusomareeb laga dareemayaa dhaqdhaaaqyo ciidan.

Ahlusunna oo weeraar Gaadmo ah Ciidan badan uga dishay DF iyo Galmudug
To Top