WARARKA SOOMAALI

Doorashada kursi tartan adeg uu ka furan yahay oo Maanta ka dhaceysa Baladweyne

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hirshabeelle ayaa shaaciyey Guddiga xulaya ergada kursiga HOP#58, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Nuur Iidow Bayle oo ka tirsanaa Baarlamaankii 10-aad ee dowladda Federaalka.

Kursigaan musharaxiinta u tartamaya ayaa waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe taliyihii hore ee NISA. Sidoo kale Gudiga hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu waddaa In ay Shahaado siiyaan musharaxiinta 4 kursi oo ka mid ah kuraasta.

Kuraasta maanta musharaxiintooda shahaadada la siin doono ayaa lagu waddaa in ay noqdaan kuwa furan oo ay Is-diwaangaliyaan dad si weyn looga yaqaano gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay shalay Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa lagu shaaciyay in doorashada Afarta Kursi la qabanayo Maalinta berri ah oo taariikhduna ku beegan tahay 27 Bishaan Marso, iyagoona maalinta berri soo gaba-gabeynayo doorashada kuraasta taalla Magaalada Baladweyne.

 

Doorashada kursi tartan adeg uu ka furan yahay oo Maanta ka dhaceysa Baladweyne
To Top