WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xildhibaan Aamina Maxamed oo lagu aasay Magaalada Muqdisho

Alle ha u naxariistee waxaa Maanta Khabuuro kuyaalla Isbitaalka xoogga ee Magalada muqdisho lagu Aasay Meydka Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo Nabaddoonkeeda, kuwaas oo habeen ka hor ku geeriyooday qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Shalay ayaa meydadka la soo gaarsiiyay Magaalada muqdisho, waxaana Salaada Janaasadda ee lagu dukaday ka qeyb galay, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaashii hore ee dalka Ra’’iisul Wasaare Hore Xasan Cali kheyre & mas’uuliyiin kale.

Aaska Maanta ee meydka Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo Nabaddoonkeda ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Beesheeda, Nabaddoono, waxgarad, Siyaasiyiin iyo dad kale oo kamid ahaa Asxaabta Xildhibaannada.

Qaar kamid ah dadka ka qeyb galay Aaska oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin geerida Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi , iyaga oo sheegay in ay u geeriyootay Cadaalad u raadinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Xildhibaan Aamina Maxamed oo lagu aasay Magaalada Muqdisho
To Top